Ozil oo ka shalaaynaya heshiis Arsenal ay u soo bandhigtay oo uu horay u diiday

Mesut-Ozil-840317

(London) 11 Okt 2017 Mesut Ozil ayaa ka shalaaynaya dalab Arsenal ay soo hordhigtay dhamaadka xiliciyaareedkii hore si uu u saxiixo heshiis cusub.

Arsenal ayaa u soo bandhigtay Ozil heshiis uu ku qaadanayo isbuucii 250 kun oo Ginni laakiin laacibka ayaa dalbaday 330 kun oo Ginni isbuucii taas oo ay diiday Gunners sida ay baahisay The Sun.

Ozil ayaa helay suuqii xaggaaga oo dhan laba dalab oo kaliya kuwaas oo ka kala yimid Besiktas iyo Inter Milan, labadaan kooxood midoodna uma soo bandhigin mushaarka uu ka diiday Arsenal.

Wararka ayaa intaa ku daraya in wakiilka laacibku uu ku qasbanaaday inuu wadahadal la furo Arsenal maadama uu ogolyahay inuu aqbalo dalabkii horay kooxdu ay ugu soo bandhigtay.

Laakiin tababare Arsene Wenger ayaa u arka Ozil inuusan u qalmin mushaarkaas maadama uu hoos u dhac soo wajahay qaab ciyaareedkiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close