“Lionel Messi waa boqorka Kubadda cagta”

(Argentina) 11 Okt 2017 Daafaca Barcelona iyo xulka Argentina ee Javier Mascherano ayaa amaanay saaxiibkiis Lionel Messi.

Messi ayaa seddexleey ka dhaliyay xalay xulka qaranka Ecuador taas oo u fududaysay xulka Argentina inuu si toos ah ugu soo baxo koobka adduunka ee 2018.

Javier Mascherano oo amaanay saaxiibkiis Lionel Messi dhamaadkii ciyaarta ayaa yiri:

“Wuxuu sugay markale inuu yahay boqorka ciyaartaan (kubadda cagta), marka uu yahay sidaan isla markaana uu ku raaxaysanayo awoodaan majirto cid hor istaagi karta”.

“Haddii Argentina aysan u soo bixi lahayn koobka adduunka, taasi waxay ka dhignaan lahayd in ciyaartoy badan ay ka fariistaan xulka”.

“Fadliga ilaaheey taasi ma dhicin, waxaan rajaynayaa inaan falanqayno wixii dhacay 3-dii sano ee u danbeeyay waana inaan dib u soo celinaa dhismaha kubaddii lagu yaqaanay Argentina”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close