Aqriso Rikooradii Messi uu xalay sameeyay kadib seddexleeydii uu dhaliyay

(Argentina) 11 Okt 2017 Lionel Messi ayaa xalay seddexleey ka dhaliyay xulka qaranka Ecuador, wuxuuna xulkiisa si toos ah ugu soo saaray koobka adduunka.

Goolashii uu dhaliyay xalay ayaa ka dhigay inuu sameeyo rikooro dhawr ah, oo aan halkaan idinkugu soo gudbin doono.

Rikooradii Xalay Uu Diiwaan Gashtay Lionel Messi:

1: Messi ayaa ka dhaliyay 21 gool kulamada isreeb reebka Latin America, waana laacibka ugu badan ee gool ka dhaliya kulamadaas isaga oo ka sara maray Suarez, Crespo iyo Salas.

2: Messi ayaa gaaray goolkiisii 62-aad ee uu u dhaliyo xulkiisa Argentina, wuxuuna sii dheeraystay hogaankiisa gool dhalinta taariikhda xulka, isaga oo ka sareeya Gabriel Batistuta, Crespo, Maradona, Aguero iyo Higuain.

3: Messi ayaa dhaliyay seddexleeydiisii 5-aad ee taariikhda xulka Argentina kadib 3-leey uu horay uga dhaliyay xulalka Sweden, Brazil, Panama iyo Guatemala.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close