Tim Cahill oo burburiyay rajadii xulka Syria ee koobka adduunka kadib gool uu ka dhaliyay waqtigii lagu daray ciyaarta + SAWIRRO

(Mile Jedinak) 10 Okt 2017 Xulka Qaranka Australia ayaa guul ka gaaray xulka qaranka Syria kulan loogu soo baxay isreeb reebka kama danbaysta ah ee koobka adduunka.

Weerar yahanka kooxda Al-Ahli ee dalka sucuudiga Omar Al Somah ayaa hogaanka u dhiibay xulka Suuriya daqiiqadii 6-aad ee ciyaarta, wuxuuna ka dhigay 1-0.

Laakiin 13 daqiiqo Tim Cahill ayaa u soo barbareeyay xulkiisa, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 1-1.

Waqtigii loogu talo galay ee ciyaarta ayaana ku soo idlaaday 1-1, taas oo ak dhigtay natiijada wadarta labadii kulan 2-2, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah.

94 daqiiqo Mahmoud Al Mawas ayaa qaatay jaalihiisii labaad ee ciyaarta, xulka suuriya ayaana wixii ka danbeeyay waqtigaas ku ciyaarayay 10 laacib.

109 daqiiqo Tim Cahill ayaa hogaanka u dhiibay xulka Australia, wuxuuna ka dhigay natiijada ciyaarta 2-1.

Xulka Australia ayaana uga adkaaday wadarta labadii kulan xulka Syria 3-2, waxayna u soo baxeen isreeb reebka kama danbaysta ee koobka adduunka 2018.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close