”Inter Milan waa sida naag qurxoon oo yara doqon ah” – Marco Fassone

(Milano) 10 Okt 2017 – Xoghayaha Guud ee AC Milan jaalle Marco Fassone ayaa kooxdiisii hore ee Inter Milan ku tilmaamay “sida naag qurxoon oo yara doqon ah”.

Fassone ayaa sida la ogyahay soo maamulay dhowr naadi oo Serie A ah, isagoo xusuusta dib u celiyay mar uu waraysi siinayay warsidaha Guerin Sportivo.

“Juve waa kooxda ugu qaab dhismeedka wanaagsan sharikad ahaan, maaddaama aan ka imid dhanka saadka, iguma adkaanin la qabsigeedu.” ayuu ku bilaabay.

“Napoli waa naadi uu leeyahay milkiile [Aurelio De Laurentiis] oo isagu go’aamiya wax kasta, balse waxay awoodeen inay taa la qabsadaan waxayna leedahay qaab dhismeed hugan” ayuu yiri Fassone.

“Inter waa… Inter. Waa naadi had iyo goor u baahan nin adag oo macallin u noqda, ka biloow Roberto Mancini ilaa Jose Mourinho.

“Waxaa ku jirta nafta qof miskiin ah, waa sida naag qurxoon balse yara nacas ah oo kale, sida uu [Massimo] Moratti mar u qeexay. Haatan waxay heshay nin adag oo ah Spalletti si wanaagsan bayna ugu socotaa”. ayuu raaciyay Fassone oo sheegay inuu Milan yimid jeer uu ku qalabaysan yahay khibrad wax ku ool ah.

b

Gool FM

Xariir La Leh

One Comment

Leave a Reply

Close