Ibrahimovic oo diyaar garow ugu jira kulanka Arsenal – Man United

FBL-EUR-C3-AJAX-MAN UTD

(Mancehster) 10 Oct 2017. Zlatan Ibrahimovic waxa uu diyaar garow ugu jiraa in uu ka mid noqdo safka Manchester United ee u safri doona Emirates.

Laacibkii hore ee Sweden waxa uu sameeyey soo kabasho heer sare ah kaddib dhaawicii soo gaaray bishii April waxaana la qabaa in uu tababbarka caadiga ah ee Carrington ku soo noqon doono bisha November.

Ibrahimovic waxaa la sawiray isaga oo tababbar la sameeya halyeyga kooxda Andy Cole.

Cabdi badan ayaa laga qabay in waayaha Ibra lumo kaddib dhaawicii cuslaa ee ku soo gaaray Anderlecht balse hadda waxa uu diyaar ugu jiraa kulanka adage e bisha December 2-deeda u dhexeyn doona Arsenal iyo United.

Manchester United ma tabin Ibrahimovic waxaana weerarkeeda hogaaminaya Romelu Lukakau oo 7 kulan dhaliyey 7 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close