Roberto Carlos: Roy Hodgson ma aha kaartiiste kubadda cagta wax badan ka yaqaan

sport-preview-carlos-and-hodgson

(Rio) 09 Oct 2017. Roberto Carlos waxa uu xaqiijiyey in uu Inter Milan uga tagay Roy Hodgson dartiis “Kaartiiste aan kubadda cagta wax badan aqoon.”

Brazilian-ka muddo kooban (1995-96) ayuu joogay Inter kahor inta uusan ka aadin Real Madrid.

“Joogistii Hodgosn ee Inter wey I baab’isay,’ ayuu Roberto Carlos u sheegay planetfootball.

“Waxa uu iga ciyaarsiiyey dhexda waxaana ka fekeray in ay jirtay fursad xumeyn karta waayahayga  qaranka.

“Ma aha in aan xiriir wanagsan la lahayn Hodgson. Waa uun kaliya in Hodgson kubadda cagta wax badan ka aqoon.

“Markii ay Inter guuldaradda kala kulantay Schalke fiinaalihii UEFA Cup-ka ee 1996, waxaa sabab u ahaa Hodgson.”

Roberto Carlos waxa uu aragti taas ka wanaagsan ka qabaa Fabio Capello kaas oo keenay Real Madrid.

“Fabio Capello wuu ka duwanaa –  aad ayuu uga duwanaa –  markii aan ku soo biiray Madrid isaga dartiid aan u sameeyey. Waa tababbarihii ugu muhiimsanaa ee aan nolosheyda yeesho.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close