Qayb ka mid ah liiska hordhaca ah ee ciyaartoyda u tartamaya Ballon d’Or oo la shaaciyay

(Paris) 09 Okt 2017 Jariirada France Football ayaa maanta shaacisay qayb kamid ah liis ka kooban 30 laacib oo u sharaxan abaal marinta Ballon d’Or.

France Football oo markiiba shaacinaysa magacyada 5-laacib ayaa haatan soo bandhigtay magacyada qaybtii 3-aad taas oo ka dhigan inay shaaciyeen ilaa haatan 15-laacib.

Qaybta hore ayaa ka kooban ciyaartoyda kala ah:  Neymar, Luka Modric, Paulo Dybala, Marcelo iyo N’Golo Kante.

Qaybta labaad ayaa ka kooban: Luis Suarez, Sergio Ramos, Jan Oblak, Philippe Coutinho iyo Dries Mertens.

Qaybta seddexaad oo haatan ay shaacisay France Football ayaa ka kooban ciyaartoyda kala ah: De Bruyne, Lewandowski, De Gea, Harry Kane iyo Dzeko.

Waxaa harsan liis ka kooban 15 laacib oo loo shaacin doono magacyadooda seddex guruub oo kiiba uu ka kooban yahay 5-laacib.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close