”Maxaa Barcelona lagala soo doonayaa Premier League?!” – Arsene Wenger oo mucaaraday in Barca lagu daro EPL

(London) 09 Okt 2017 – Macallinka Arsenal ee Arsene Wenger ayaan rumaysnayn in xitaa lagaba fikiro in Barcelona loo ogolaado inay kusoo biirto Premier League.

Madaxwaynaha Barca jaalle Josep Maria Bartomeu ayaa horay u sheegay inuu naadigiisu ka fikirayo inuu ka dheelo meel ka baxsan Spain, haddii ay Catalonia madax banaani ka qaadato Spain.

“Waxaan rajaynayaa in ay Barcelona kasii ciyaarto Spain. Waayo haddii ay ka tagto waxay duminaysaa midnimada juqraafi iyo dareenka caadiga ah,” ayuu duq Wenger u sheegay beIN Sports.

“Maxaa Premier League loogu casuumi la’yahay Celtic ama Rangers oo horraanba qayb ka ah Great Britain, taasaa ka micne badan in Barcelona lagu soo daro EPL.” ayuu raachsey.

“Dhanka kale, haddii ay siyaasadda isku fahmi waayaan Spain iyo Catalonia waxay arrintani ka dhignaanaysaa England oo taageero siisay Catalonia taasina sax ma aha caalamiyan.” ayuu ku dooday macallinka Gunners.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close