”Marar badan baan ku xanaaqaa Gonzalo Higuain” – Max Allegri

(Torino) 09 Okt 2017 – Macallin Massimiliano Allegri ayaa qirtay “Inuu marmar ku xanaaqo” qannaaska kooxdiisa Juventus ee Gonzalo Higuain maadaama “uu ka badan qaban karo”.

Laacibkan caalamiga ah ee reer Argentine oo ah laacib kooxda ku yimi qarash rikoodh jebis ah ayaa fasalkii tegey saxiixay 32 gool, balse macallinkiisa ayaa ka doonaya inuu weli ku daro.

“Gonzalo waa laacib muhim noo ah, muhim ma aha haddii uu dhaliyo 25 ama 30, waa laacib qayrul caadi ah, in badan ku xanaaqaa waayo waxaan ka dalbadaa in ka badan inta uu qabtay, waayo wuu qaban karaa,” ayuu Allegri u sheegay Tuttosport.

“Ilaa haatan wuxuu qabtay 50% ka mid ah waxa uu qaban karo. Jir ahaanse wuu faya qabaa.” ayuu raaciyay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close