Horyaalka Talyaaniga oo ay ka dhacday arrin ay ugu dambaysay 20 sano

(Roma) 09 Okt 2017 – Markii ugu horreeysey muddo 20 sanadood ah, ayaysan dhicin in macallin – xitaa hal – la eryo kaddib 7-da kulan ee ugu horreeya horyaalka Serie A fasalkan bilowga ah.

Macallinka Genoa ee Ivan Juric ayaa muddo cadaadis wajahayay, balse kooxda Grifone ayaa si kastaba guddoonsatey inay sii haysato macallinkeeda, taasoo ka dhigan in markii ugu horreeysey tan iyo fasalkii 1998-99 uusan jirin macallin shaqadiisa ku waayay 7-da kulan ee ugu horreeya horyaalka.

Fasalkii tegey waxaa shaqada laga eryay 12 macallin, iyadoo Davide Ballardini oo Palermo watey shaqada laga eryay 2 kulan uun kaddib, waxaa sidoo kale kooxdaas Rosanero, oo haatan u dhaadhacday Serie B, isla fasalkii tegey laga eryay Roberto De Zerbi, Eugenio Corini, Diego Lopez iyo ugu dambayn Diego Bortoluzzi.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close