Arsenal oo ciyaaryahan ka doonaysa horyaalka Maraykanka (DAAWO Xirfadiisa)

Image result for miguel almiron arsenal

(London) 09 Okt 2017 Kooxda Arsenal ayaa u dhaqaaqaysa soo xerogalinta laacib u ciyaara kooxda Atlanta United ee horyaalka MLS.

Shabakada CalcioMercato ayaa daaha ka qaaday in Arsenal ay 18 milyan oo Ginni ku doonayso Miguel Almiron oo ah 23 jir ka ciyaara qadka dhexe.

Image result for miguel almiron arsenal

Laacib kaan ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu muuqata horyaalka MLS ee dalka Maraykanka, waana laacib ku fiican gool dhalinta taas oo keentay in tababare Wenger uu la dhaco qaab ciyaareedkiisa.

Arsenal ayaa loolan ku aadan saxiixa Miguel Almiron kala kulmaysa kooxda Inter Milan oo xiisaynaysay ka hor intii uusan ku biirin Atlanta United.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close