Masaarida oo Qur’aanka kariimka ka shiday garoonka ka hor kulanka caawa ay rajaynayaan inay u soo baxaan K.A ee 2018

(Qahira) 08 Okt 2017 Xulka qaranka Masar ayaa caawa la ciyaari doona xulka qaranka Congo kulan ka tirsan isreeb reebka koobka adduunka ee 2018.

1990-kii ayaa ugu danbaysay xulka qaranka Masar inuu ka soo muuqdo kulamada koobka adduunka.

Waxayna u baahanyihiin kaliya hal dhibic inay caawa ka helaan xulka Congo oo marti ugu noqon doona garoonka Burjul Carab.

Garoonka ayaa laga daaray qur’aanka kariimka saacado ka hor kulanka Congo, dhamaan masaarida ayaa rajaynaya inay caawa u dabaal dagaan u soo bixida koobka adduunka sanado badan kadib.

 

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close