Bayern Munich oo beegsanaysa tababare Joachim Low

Image result for joachim low bayern Munich

(Munich) 08 Okt 2017 Kooxda Bayern Munich ayaa beegsanaysa saxiixa tababaraha xulka qaranka Germany ee Joachim Low.

Bayern ayaa iska cayrisay tababare Ancelotti kadib markii uu ku bilowday xiliciyaareed aad u hooseeya.

Joachim Low ayaa qorshaynaya inuu isaga tago shaqada xulka Jarmalka marka uu soo idlaado koobka adduunka ee 2018 sida ay baahisay SPox.

Caawiyaha Joachim Low ee xulka Jarmalka ayaa xaqiijiyay in kooxda Bayern Munich ay doonayso saxiixa tababaraha marka uu soo idlaado koobka adduunka.

Bayern ayaa tababare u magacaawday Jupp Heynckes si uu u layliyo kooxda inta ka harsan xiliciyaareed kan.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close