Barcelona oo kula loolamaysa Arsenal saxiixa Anthony Martial

Anthony-Martial-841689

(Barcelona) 08 Okt 2017 Kooxda Barcelona ayaa qayb ka noqotay tartanka loogu jiro saxiixa weerar yahanka reer France ee Anthony Martial.

The Sun ayaa daaha ka qaaday in tababare Arsene Wenger uu u arko Anthony Martial laacibkii uu ku buuxin lahaa booska Alexis Sanchez kaas oo ka tagaya Arsenal.

Laakiin Mundo Deportivo ayaa baahisay in Barcelona ay bartilmaameed muhiim ah ka dhiganayso laacibka Man United ee Anthony Martial.

Maamulka Barca ayaa u arka Martial laacib ku haboon qaab ciyaareedkooda maadama uu ka ciyaari karo booska ka danbeeya weerarka iyo sidoo kale labada garab isaga oo goolal dhalin kara.

Waxayna rumaysanyihiin inay si fudud ku heli karaan Anthony Martial maadama uusan boos joogto ah ka haysan kooxdiisa.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close