Soo laabashada Manuel Neuer oo laga cabsi qabo inay ka dib dhacdo waqtigii la qorsheeyay

Neuer

(Munich) 07 Okt 2017 Kooxda Bayern Munich iyo xulka Jarmalka ayaa helaya war aan wanaagsanayn oo ku aadan soo kabashada goolhaye Manuel Neuer.

Sida ay baahisay shabakada TZ ee dalka Jarmalka, goolhaye Manuel Neuer ayaa shaki laga muujinayaa inuu soo laaban karo waqtigii la qorsheeyay ee ahaa bisha janaayo.

31 jirkaan ayaa ka dhaawacmay isla halkii uu horay uga dhaawacmay, kooxda ayaana sheegtay inuu soo laabanayo bisha janaayo ee 2018.

Balse shabakada ayaa sheegtay in xitaa shaki uu ku jiro in Manuel Neuer uu soo laaban karo Maarso 2018 taas oo shaki galin karta ciyaaristiisa koobka adduunka.

“Dhaawacaan wuxuu igu qaadan doonaa inkabadan sanad barkiis si aan uga soo kabsado” ayuu yiri Manuel Neuer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close