Kooxaha AC Milan & Arsenal oo iskula dheggan Rafinha Alcântara (Daawo)

(Barcelona) 07 Okt 2017 – AC Milan ayaa markale lala xiriirinayaa inay bisha Jannaayo ku noqoto laacibka khadka dhexe ee kooxda Barcelona jaalle Rafinha, balse waxay hardan culus ka wajahaysaa Arsenal.

Laacibkan 24-jirka ah ee reer Brazil ayaa muddoo ku jirey raadaarka kooxda Milan, balse wuxuu markasta dooranayay inuu sii joogayo gegada Camp Nou, oo ah hooyga kooxda uu kusoo barbaaray.

Sida uu qorayo Super Deporte, Rafinha ayaase bisha Jannaayo u muuqda mid ka xirrxiran kooxdaasi, isagoo dhaawac ku maqnaa tan iyo bishii Diseembar tan iyo mudadaasna aan kubad laadin.

Amaah ay la socoto ikhtiyaar ay ku iibsan karto ayaa ku qaabsan Rossoneri oo xagaagii dhowaa malaayiin bixisay, balse Arsenal ayaa kula dheggan iyadoo doonaysa inuu u buuxiyo booska uu ka socdo Mesut Ozil.

b
Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close