Chiellini: Italy reyn-reyntii ayaa ka luntay

Chiellini-Ita-Mac-1710-wrist-epa

(Rome) 07 Oct 2017. Giorgio Chiellini waxa uu qabaa in taageereyaasha Italy ay sabab walba xaq ugu leeyihiin in ay ku FOORIYAAN kaddib bar bar dhicii 1-1-ka ahaa ee ay Macedonia la galeen iyo guul daraddii ka soo gaartay Spain.

Azzurri hore kulan walba wey u soo badisay kahor inta aysan guul daradda kala kulmin La Roja iyo bar bar dhaca Macedonia.

“Markii aan goolasha daah furnay, waxa ay ahayd si wacan in aan dheesha u xakameeyno, Macedonia halisba naguma hayn ilaa iyo daqiiqadii 75aad. Waxa ay ahayd in aan xakameyno,” ayuu u sheegay Rai Sport.

Waxaa cad guuldaraddii Spain in ay farxaddii saameyn ku yeelatay waxaad u baahan tahay in aad si fiican u shaqeyso oo aad uga horreyso kuwa kaa soo horjeeda. Dabcan qalad ayaan iska dhaadhicinay oo ah in aan ka hormarseyn sida ay iyagu yihiin, laakiin waxaan u baahannahay degenaan.

“Walow aysan ahayn bandhig wanaagsan, waa simbiriirixashadeenii kowaad ee is reeb reebka heerka group-yada. Waa in aan shaqada sii wadnaa, taas ayaana ah sirta, oo ay la socoto shaqsiyadda iyo xasiloonida.

“Waa mid inaga noo taal sidii aan ugu guuleysan lahaa mashxaradda taageereyaasha. Waxaan fahansannahay in ay xanaaqsan yihiin, laakiin hadda oo ay baahi jirto, wey nala jiri doonaan.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close