RASMI: Bayern Munich oo soo ceshatay tababaraheedii hore ee Jupp Heynckes

ZURICH, SWITZERLAND - JANUARY 13:  FIFA World Coach of the Year for Men's Football nominee and former manager of Bayern Munich Jupp Heynckes of Germany attends a press conference prior to the FIFA Ballon d'Or Gala 2013 at the Kongresshaus on January 13, 2014 in Zurich, Switzerland.  (Photo by Stuart Franklin - FIFA/FIFA via Getty Images)

(Munich) 06 Okt 2017. Bayern Munich ayaa xaqiijisay inay Jupp Heynckes u magacaabatay tababaraheeda inta ka harsan xilli ciyaareedkan.

Kooxda reer Germany ayaa u baahatay inay dib u soo ceshato macallinkoodii hore kaddim markii ay iska ceyriyeen Carlo Ancelotti.

Heynckes ayaa ciyaaraha isaga fariistay afar sano ka hor markii uu Bayern ku hogaamiyay guulal taariikhi ah.

Bayern Munich confirm Jupp Heynckes appointment until the end of the season

Wuxuu sheegay markii xilka loo dhiibay  inuusan marna koox kale darteed uga laaban lahayn go’aankii uu ciyaaraha uga fariistay balse Bayern uu aad u jecel yahay.

Tababarkisii ugu horreeyay ayuu ku hogaamin doonaa kooxdiisa hore maalinta Isniinta ee soo socota 9-ka bisha waxaana shaqada ku caawin doona caawiyayaashiisa Hermann Garland iyo Peter Harmann.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close