Luis Suarez oo qaliin lagu samaynayo bisha soo socota

(Barcelona) 06 Okt 2017 Weerar yahanka reer Uruguay ee Luis Suarez ayaa mari doona qaliin kadib markii la ogaaday inay dhibaato ka haysato dhanka jilibka.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Luis Suarez ay soo wajahday dhibaato cusub oo ka haysata dhanka jilibka taas oo ka hor istaagtay inuu soo bandhigo qaab ciyaareedkii horay looga bartay.

Luis Suarez ayaa ku beegi doona qaliinkiisa xiliga la aadayo fasaxa xulalka ee bisha November markaas oo uu mari doono qaliin uu ku maqnaanayo 2 ilaa 3 isbuuc.

Xulka Uruguay oo haatan rajadiisu ay fiicantahay ayaa waqtigaas ciyaari doona kulamo saaxiibtinimo, wuxuuna sidoo kale seegayaa kulanka horyaalka ee Leganes.

Suarez ayaana taam buuxda u noqon kara kulanka xiga kaas ee Barcelona ay u safri doonto Juventus koobka horyaalada yurub.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close