“Waan ka fikirayaa dalabka Bayern Munich” – Jupp Heynckes

(Munich) 05 Okt 2017 Jupp Heynckes ayaa xaqiijiyay in maamulka Bayern Munich ay xiriir la soo sameeyeen isaga si uu u layliyo kooxda.

Tababarihii hore ee Bayern Munich ayaa sheegay in haatan uu sifiican uga fiirsanayo qabashada kooxda kadib markii loo soo bandhigay inuu layliyo inta ka harsan xiliciyaareed kan.

Wuxuuna sheegay in 4-sano ka hor uu ka tagay Bayern haatana wax badan ay iska badaleen kubadda cagta.

“Waxaan la kulmay Uli Hoeness, Karl-Heinz Rummenigge iyo Hasan Salihamidzic waxayna iga codsadeen inaan qabto kooxda ilaa dhamaadka xiliciyaareed kan, waxaan kawada hadalnay waxyaabo badan” ayuu yiri Jupp Heynckes .

“Haatan waa inaan ka fikirnaa arinkaan, 4-sano ayaa ka soo wareegtay markii aan ka tagay Bayern tan iyo waqtigaas kubadda cagtu waxay si dhaqso ah u samaynaysay hormar”.

“Ma jiro go’aan cad oo muuqda oo la gaaray ilaa haatan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close