Thierry Henry oo amaanay Anthony Martial

Image result for Anthony Martial Henry

(Manchester) 05 Okt 2017 Halyeeyga xulka France ee Thierry Henry ayaa amaanay weerar yahanka kooxda Man United ee Anthony Martial.

Henry ayaa sheegay in Anthony Martial uu ka fiicanyahay isaga gaar ahaan marka lala barbardhigo markii uu ahaa 21 jir.

“Martial wax badan ayuu iga fiicnaa markii aan ahaa da’diisa oo kale” ayuu yiri laacibkii hore ee Arsenal isaga oo amaanaya da’yarkaan.

“Waa suurogal inuu noqdo laacib heer sare ah waqtiga soo socda” ayuu sii raaciyay Thierry Henry.

Tababaraha xulka France ee Deschamps ayaan u yeerin Anthony Martial kulamada xulku uu wajahayo Bulgaria iyo Belarus ee isreeb reebka koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close