Robert Lewandowski oo noqday laacibka ugu goolasha badan taariikhda xulka Poland

(Poland) 05 Okt 2017 Robert Lewandowski ayaa gaaray caawa rikoor uu in mudo ah ku riyoon jiray kadib markii uu seddexleey ka dhaliyay xulka Armenia.

Lewandowski ayaa haatan ka sara maray Włodzimierz Lubanski kaas oo ahaa gool dhaliyaha taariikhiga ah ee xulka Poland.

Lubanski ayaa u dhaliyay xulkiisa Poland 48 gool halka 29 jirka u ciyaara Bayern Munich uu u dhaliyay 50 gool 90 kulan oo uu u saftay.

Lewandowski ayaa dhaliyay 24 gool 14-kii kulan ee ugu danbeeyay ee Xulka Poland uu u ciyaaray kulamo isreeb reeb ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close