PSG oo u sheegtay Javier Pastore inuu bixi karo iyo kooxaha ingiriiska oo u diyaar garoobay saxiixiisa

 Javier Pastore has been told he is free to leave PSG in January

(Paris) 05 Okt 2017 Kooxaha Premier League ee Chelsea iyo Liverpool ayaa ku dagaalami doona saxiixa kubadd sameeyaha reer Argentina ee Javier Pastore.

PSG ayaa u sheegtay Javier Pastore inuu xor u yahay ka tagista kooxda marka uu furmo suuqa kala iibsiga ee bisha janaayo.

Sida ay baahisay El Gol, PSG ayaa ku fasaxaysa 28 jirkaan lacag dhan 26 milyan oo Ginni si ay xal ugu hesho ilaalinta sharciga dhaqaale wanaaga kooxaha yurub kadib saxiixii Neymar iyo Mbappe.

Kooxaha reer ingiriis ayaa tartan culus kala kulmaya Inter Milan oo si wayn u doonaysa saxiixa Javier Pastore.

Laacib kaan ayaa xaggaagii ka tanaasulay lambarkiisii “10”, wuxuuna ku wareejiyay xiddiga ugu qaalisan adduunka ee Neymar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close