Maalgashigii Milan lagu sameeyey sanadkan oo halis ku jira

Li-1704-close-epa_9

(Milan) 05 Oct 2017. Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowladda China ay ku qasbeyso qolada maalgalisay Milan ee dalkeeda ka soo jeeda in ay €200m ku soo celiyaan wadankaas.

Maalgaliye Yonghong Li ayaa la wareegay Rossoneri bilowgii sanadkan, isaga oo amaah ka soo qaatay shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Elliott Management si uu u dhammeystiro heshiiska.

Waxaa taas sabab u ahayd dhibta ay leedahay in China lacag laga keeno iyada oo ay dhawaan xukumadda Beijing ay oodda u rogtay maalgaliyeyaasha ajanabiga ah.

Xisbiga hantiwaagga ah ayaa shir qaban doona 18ka October kaas oo laga filayo in ay ku soo saran sharciyo xadidi doona maalgashiga dibadda.

Sida laga soo xiganayo Libero, arintan uma muuqato mid saameyn doonta Inter iyo kuwa maalgaliyey ee Suning Group laakiin waxa ay arinta ku adkeyn doontaa Diavolo.

Ku dhawaad €200m, o ay maalgashi ahaan u bixiyeen Huarong iyo Haixia, ayaa dib dalka China loogu celin karaaa.

Li waxa uu raadinayaan maalqabeeno kale oo ka dajiya culeyska, laakiin Milan waxaa laga doonayaa in ay dib u bixiso €253m bisha October, iyada oo €180m oo ka mida lacagtaas ay xambaarsan tahay faa’ido caddadeedo le’egtahay 11.5 boqolkiiba.

Hadii lacagtaas la celin waayo, gabi’ahaanba ama qeyb ka mida kooxda waxa ay aadi doontaa maalgaliyeyaasha hedge fund.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close