”Kuwa VAR diiddan waa kuwo aan malaha faa’iido ku qabin” – Spalletti oo weerar qaaday

(Milano) 05 Okt 2017 – Macallinka kooxda Inter Milan ee Luciano Spalletti ayaa qaniinyo la yaab leh ku qabtay dadka dhaliilaya tiknolojiyadda ku cusub caalamka ee haatan laga dhaqan geliyay ciyaaraha Talyaaniga ee VAR.

VAR oo ah inuu garsooruhu helo muuqaallo uu daawado kahor inta uusan go’aamada qaar gaarin ayaa jawaabo isku dhafan ka dhalisay Serie A-da Talyaaniga, balse waxaa la dareensan yahay inay kasoo raynayso maalinba tan xigta, balse Spalletti ayaa u qanjiiriyay dadka diiddan oo uu ku tilmaamay kuwo aanay faa’iido ugu jirin.

“Way kasoo raynaysaa, wayna mira dhalaysaa. Ma fahmin dadka diiddan, malaha dan baanay ku qabin,” ayuu yiri Spalletti oo la hadlayay Premium Sport.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close