Buffon oo habeen dambe kaligii ku dheeli doona naqshadda cusub ee funaanadda xulka Talyaaniga

(Torino) 05 Okt 2017 – Xulka Talyaaniga ayaa soo bandhigi doonta naqshadda funaanadeeda cusub, taasoo uu gaar ahaan u xiran doono qabtaha Gianluigi Buffon marka ay habeen dambe wajahaan FYR Macedonia.

Funaanaddan cusub ayaa maanta lagu soo bandhigay magaalada Torino, iyadoo ay yara la yaab tahay in uu goolwale Buffon uun xirto funaanadda maaddaama dib loo dhigay midda laacibiinta kale, iyadoo ay funaanaddani sidato loogada xulka Talyaaniga oo iyana todobaadkii hore wax laga bedeley.

Xiddigaha kale ee xulka Talyaaniga ayaa iyagu fursad u heli doona inay funaanaddan ku dheelaan marka ay Albania wajahayaan 9-ka bishan Oktoobar.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close