Bayern Munich oo lagu wado inay markii 3-aad tababare u magacaabato Jupp Heynckes

bay

(Munich) 05 Okt 2017. Bayern Munich ayaa lagu wadaa inay tababare ka dhigato macallinkoodii hore ee Jupp Heynckes inta ka harsan xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda reer Germanay ayaa iska ceyrisay Carlo Ancelotti kaddib markii ay guul darro 3-0 kala kulmeen PSG tartanka Champions League, waxaana imina lagu wadaa inay soo ceshtaan 72-jirka horey u leylin jiray sida ay warineyso jariiradda The Bild.

Bayern Munich's coach Jupp Heynckes celebrates

Heynckes ayaa isaga fariistay ciyaaraha 2013 markii uu saddex koob kula guuleystay Bayern labo sano oo is xigta waxaana lagu badelay Pep Guardiola.

Laakiin waxaa iminka lagu wadaa inuu si lama filaan ah uga soo laabta is casilaada si uu u leyliyo kooxda xafidaneysa Bundesliga inta ka harsan kal ciyaareedkan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close