“Waxaan ku ciyaari jiray kabo aan ka dhaxlay walaalkey ama kuwa aan soo tabal caareystay.”. Ronaldo oo taariikh hore ka sheekeeyay!!

ronaldo

(Madrid) 04 Okt 2017. Haa, waa sax iminka waa Hantiile magac wayn leh balse Cristiano Ronaldo ayaa si qiiro leh uga sheekeeyay nolol hore oo adag uu soo maray.

Haddaba halka hoose ka aqri Kabtanka Portugal oo Qiso hore ka Taariikheeyay:

“Aabehey wuxuu ahaa midka maaliyadaha u keydiya kooxda Andorinha, wuxuu had iyo jeer igu dhiiro galin jiray inaan la ciyaro kooxda dhalin yarada,” Ronaldo ayaa sidaa ku bilaabay hadalkiisa.

“Waan ogaa inay midaa farxad galineyso isaga sidaa darteed waan aaday, waan jeclaaday waana qabatimay ururka iyo dareenka inaad guuleysato.

 Cristiano Ronaldo had to leave his family to join Sporting Lisbon when he was 11

“Waa run lacag ma aynaan heysan waqtigaa.

“Nolosha Madeira ma ahayn mid sahlan, waxaan ku ciyaari jiray kobo duqoobay oo aan ka dhexlay walaalkey ama kuwa aan ka soo tabal caareystay ina adeeradeey.

“Kama walaaceysid lacag marka aad yartahay.

“Kubbada cagta ayaa I siisay wax kasta, balse sidoo kale waxay iga dheereysay guriga ka hor inta aan dhab ahaan diyaar u noqon.

“Markii aan 11-jir ahaa, waxaan ka soo tagay Jasiiradda anoo ku soo biiray Akaadamiyada Sporting Lisbon, waxayna ahayd waqtigii ugu adkaa nolosheyda.

“Waa waali inaan midaa iminka ka fikiro, canugeyga Cristiano Jr., waa 7-jir marka aan sheekadan qorayo.

“Waxaana iminka ka fikirayaa sida aan dareemi lahaa inaan boorsooyinkiisa u xir xiro afar sano kaddib isla markaana aan u diro Paris ama London.

“Waxay u muuqataa mid aan macquul ahayn. Waxaana hubaa in waalidkeyga sidan oo kale aysan macquul ula muuqan inay waqtigaa i diraan anigoo yar.

“Laakiin waxay ahayd fursadeyda inaan ceyrsado riyadeyda, sidaa darteed way ii ogolaadeen inaan tago, maalin kasta waan ooyi jiray.

 Cristiano Ronaldo has become one of the best players in the world an has won four Champions League titles

“Weli waxaan ku sugnaa dalka Portugal, balse waxay ahayd sida inaan aaday Dal kale. Lahjadda oo kala duwan ayaa ka dhigtay inay gabi ahaan yihiin luqad kala duwan, dhaqankana wuu kala duwanaa.

“Cidna kama garaneyn waxayna ahayd kalinimo aad ah, reerkeyga waxay awoodeen inay I soo booqdaan afartii biloodba mar.

“Si daran ayaan u tabayay reerkeyga iyadoo maalinkasta ii ahayd mid xanuun badan.

“Kubbada cagta ayaa iga dhigtay inaan horey u socdo, waan ogaa inaan garoonka ka sameynayay wax aysan ka sameyn Karin caruurta kale ee Akaadamiyada.

“Waan xusuustaa markii ugu horreysay aan maqlo mid ka mid ah caruurta oo ku kale ku leh. ‘Ma aragtay wixii uu sameeyay waa xayawaan’.”.

 Cristiano Ronaldo won his first Champions League with Manchester United

W/D: Abdisamed Mohamed Hassan (Black Yare)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close