Taageerayaasha daawada kulamada ay AC Milan San Siro ku ciyaarto oo ku dhowaad laba jibaarmey

(Milano) 04 Okt 2017 – Kooxda AC Milan ayaa haatan dhex heehaabaysa xaalad cakiran kaddib markii ay Axaddii la kulantay guuldarradii 3-aad ee soo gaarta tiiyoo ay jirto inay 7 kulan oo qura ciyaartay.

Yeelkeede, waloow aysan natiijo ahaan xaaladdu qurxoonayn waxaa aad u kordhay dadka usoo daawasho taga kulamada ay kooxdu ku dheesho garoonka lagu naanayso Scalla della Calcio ee San Siro.

Tusaale ahaan, afarta kulan ee ay horyaalka gurigeeda ku dheeshay AC Milan waxaa daawaday 206,039 oo taageere, taasoo celcelis ahaan noqonaysa 51,560 ciyaartiiba, adigoo farqiga ka garan kara sanadkii hore xilligan oo kale waxaa 4 kulan daawaday 118,759 oo taageere, taasoo celcelis ahaan ahayd 29,690 ciyaartiiba.

b

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close