Ronaldo oo xaraashay Copy-ga Rasmiga ah ee abaal marintii Ballon d’Or uu ku guuleystay markii uu joogay Man United

cr

(Europe) 04 Okt 2017. Xiddiga Real Madrid ayaa qaaday talaabo kale uu ku caawinayo caruurta la il daran xaalada caafimaad darro isagoona iibiyay mid ka mid ah abaal marinadiisa Ballon d’Or.

Lacagta 600,000 oo euro ee lagu iibiyay ayaa si toos ah ugu dhaceysa akoonka hey’adda samfalka ee  Make-A-Wish.

32 jirka ayaa si gaar ah loo waydiistay inuu iibiyo copy rasmi ah oo laga sameeyay abaal marintii Ballon d’Or uu ku guuleystay 2008 kii kolkaa uu la joogay Manchester United.

Ninka ugu taajirsan Israel ee Idan Ofer ayaa iibsaday nuqulka laga sameeyay abaal marinta Ballon d’Or ee Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Portugal ayaa 4-jeer ku guuleystay abaal marintan mar uu joogay Ingiriiska iyo saddex jeer uu ku qaaday Spain waxaana loo badinayaa inuu kii shanaad ku guuleysto sanadan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close