Pep Guardiola oo og magaca tababaraha cusub ee Bayern Munich

Image result for Uli Hoeness and Guardiola

(Munich) 04 Okt 2017 Madaxwaynaha kooxda Bayern Munich ee Uli Hoeness ayaa sheegay in tababare Pep Guardiola uu garanayo magaca tababaraha cusub ee Bayern Munich.

Pep Guardiola ayaa tagay magaalada Munich si uu uga qayb galo dabaal daga (Oktoberfest) oo la qabto sanad walba.

Uli Hoeness iyo Guardiola ayaa isla qaatay kulan casho taas oo ay uga tashadeen tababaraha badali kara Carlo Ancelotti.

“Wuxuu ahaa kulan u dhexeeya laba saaxiib, laakiin dabcan waxaan kawada hadlaynay kubadda cagta” ayuu yiri Uli Hoeness.

“Waxaan u sheegay magaca tababaraha aan soo bandhigi doono maalmo kadib, wuuna nagu raacay” ayuu sii raaciyay madaxwaynaha Bayern Munich.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close