Kooxda Juventus oo xiisaynaysa wiil uu dhalay Lilian Thuram

(Torino) 04 Okt 2017 – Juventus ayaa sida lasoo sheegayo waxay isha ku haysaa wiil uu dhalay Lilian Thuram, kaasoo khadka dhexe uga dheela Monaco Under-19.

Sida uu qorayo Tuttosport, Juve ayaa “guddoonsatey inay si dhow ula socoto” Thuram-Ulien, oo ku dhashay Parma – halkaasoo uu aabihii ka ciyaarayay 2001.

Wiilkan oo ah 16-jir khadka dhexe ka ciyaara, si ka duwan aabihii Lilian, ayaa qaab ciyaareed ahaan lagu misaalaa laacibkii ex-Bianconero Patrick Vieira.

Tuttosport ayaa intaa raacinaya in xiisaha Old Lady ee laacibkani ay sarreeyso iyadoo ay wax dhici karaan bilaha yar ee soo aaddan.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close