“Ganacsi ayaanba shuraako ku noqon rabnaa.” Pique oo beeniyay inuu khilaaf kala dhexeeyo Ramos

ra

(Spain) 04 Okt 2017. Gerard Pique waa xag jir reer Catalonia ah isla markaana u ololeynaya sidii ay gooni isugu taagi lahaayeen halka Sergio Ramos uu yahay muwaadin Spain ah balse taasi caqabad kuma noqoneyso xiriirka labada laacib iyagoona qorsheynaya inayba Ganacsi ku shirkoobaan.

“Waa been wayn wax kasta oo sheegaya inaynaan isku fiicneyn Ramos,” Pique ayaa sidaa u sheegay saxaafadda.

“Waxaan xitaa shuraako ku noqon rabnaa ganacsi oo aan waydiistay inuu ku lug lahaado.

“Wax kasta waa Okey. Xiriirkeenu waa mid cajiib ah.

“In wax la iska sheego way fududahay balse aad ayaan isugu dhow nahay  wax dhibaato ahna nagama dhex taagna.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close