Dhaawaca Alvaro Morata oo dab ku sii shiday qilaafka u dhexeeya Conte iyo maamulka Chelsea

morata

(London) 04 Okt 2017 Dhaawicii soo gaaray weerar yahanka reer Spain ee kooxda Chelsea ayaa qilaaf hor leh ka dhex abuuray kooxda gudeheeda.

The Times ayaa baahisay in tababare Conte iyo maamulka Chelsea uu sii kordhay qilaafkooda maadama tababaraha reer talyaani aan loo soo iibin weerar yahano dheeraad ah intii uu furnaa suuqa kala iibsiga.

Conte ayaa doonayay Fernando Llorente suuqii xaggaaga ka hor intii uusan ku biirin Tottenham laakiin maamulka Chelsea ayaa ka hor istaagay in lagu soo daro kooxda.

Maamulka ayaa aaminsan in Batshuayi uu noqon karo laacib Morata weerarka lamanae kula noqon kara laakiin Conte ayaa u arka laacibka reer Belgium mid aan u qalmin booskaas.

Kulankii Man City markii Morata uu ka saaray garoonka wuxuu badal ku keenay Willian taas ayaana soo muujisay inuusan la dhacsanayn qaab ciyaareedka Batshuayi.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close