Cesc Fabregas oo sanado badan kadib qirtay inuu Pizza ku dhiftay Sir Alex Ferguson

Fabregas

(London) 04 Okt 2017 Cesc Fabregas ayaa sanado badan kadib qirtay inuu ahaa laacibkii Pizza-ha ku dhiftay tababarihii hore ee Man United.

United ayaa 2004 soo gabagabaysay kulamadii guul daro la’aanta Arsenal ee 49 kulan kadib kulan ka dhacay Old Trafford.

Image result for Fabregas Pizza

Fabregas oo ka warbixiyay sidii maalintaas ay wax u dheceen ayaa yiri:

“Markii uu soo idlaaday kulankii aan la ciyaarnay Man united, waxaan banaanka qolka labiska ka maqlay buuq, waxaan haystay Pizza”.

“Waxaan arkay Ferdinand, Sol Campbell iyo Martin Keown, aad ayaan uga caraysnaa guul daradii nasoo gaartay, sidaas darteed ayaan ugu tuuray Pizza-ha”.

“Laakiin waxay si kama’a ah ugu dhacday Sir Alex Ferguson, sidaas darteed waan ka raali galinayaa isaga wixii dhacay”.

Sir Alex Ferguson ayaa Buuga noloshiisa ku xaqiijiyay in mid kamid ah ciyaartoyda Arsenal uu Pizza ku dhiftay balse uusan hubin qofka uu yahay in kasta oo uu ka shakisnaa Fabregas.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close