Xiddigaha Bayern oo tababbaro uusan ka warqabin Ancelotti isugu imaan jiray

855555036

(Munich) 03 Sebt 2017. Waxaa la sheegay in ciyaaryahanada Bayern Munich inta ka daaleen qaabka uu tababbarada u bixiyo Carlo Ancelotti ay iyagu isugu imaan jireen mid uusan ka warqabin.

Dhawr ciyaaryahan oo ay ka mid yihiin Manuel Neuer, Thomas Muller and Jerome Boateng ayaa si toos ah ugu dacwooday agaasimaha guud ee kooxda Karl-Heinz Rummenigge iyaga oo ka cabanaya tababbarada Ancelotti.

Cabashada waa laga dhageystay balse lagalama hadlin Ancelotti waxa ayna keentay in ay xiddiggaha mid qarsoodi ay iskood isugu yimaadaan.

Ancelotti waxaa shaqada laga eryry guuldaraddii ka soo gaartay Paris Saint – Germain kooxdiisa kaddib.

Arjen Robben oo wixii ka dambeeyey ceyrinta Ancelotti saxaafadda la hadlay ayaa isna ka mida kuwa waday gadoodka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close