Tababaraha xulka Belgium oo beeniyay inuu qilaaf kala dhexeeyo kooxda Man city

Image result for Roberto Martinez and Kompany

(Belgium) 03 Okt 2017 Tababaraha xulka qaranka Belgium ee Roberto Martinez ayaa beeniyay inuu qilaaf kala dhexeeyo kooxda Man City.

Roberto Martinez ayaa beeniyay in iyaga iyo Man City ay isugu dhacsanyihiin dhaawaca Vincent Kompany kaas oo laga reebay liiska ciyaartoyda xulka Belgium.

Wuxuuna sheegay in xiriir fiican uu kala dhexeeyo Manchester City isla markaana ay la soconayaan xaalka kabtan Kompany.

“Qilaaf ma jiro, waxaan ku shaqaynaa hab nidaamsan, liiska ciyaartoyda waxaa la shaaciyay jimcihii, waxaan haysanaa laba maalin oo aan ku kala hubin karno xaalada laacib walba” ayuu yiri Roberto Martinez.

“Kompany kuma jiro shaxdeena umana suurogalin inuu qayb ka noqdo xulka, xiriir fiican ayaan la samaynaa Manchester City”.

Man City ayaa is hortaagtay in Kompany uu u ciyaaro xulka Belgium kulamada Bosnia iyo Cyprus maadama uu ka soo kabanayo dhaawacii soo gaaray.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close