Messi oo walwal ku abuuray taageerayaasha xulka Argentina

(Argentina) 03 Okt 2017 Lionel Messi ayaa ka soo dib dhacay waqtigii loogu talo galay inuu ku biiro tababarka xulkiisa Argentina.

Messi ayaa seegay tababarkii ugu horeeyay ee xulka Argentina kadib markii uu ka soo daahay inuu soo gaaro dalkiisa.

Laacibka Barcelona ayaa la filayay inuu soo gaaro dalkiisa isniintii balse wuxuu tagay halkaas saaka, xili xulku uu qaatay tababarkiisii ugu horeeyay ee ay isugu diyaarinayaan xulka Peru sida ay baahisay Mundo Deportivo.

Taageerayaasha xulka Argentina ayaa walwal uu soo wajahay kadib markii uu shil gaari galay Sergio Aguero halka Messi uu ka soo dib dhacay tababarkii ugu horeeyay ee xulka.

Xulka Argentina ayaa u dagaalamaya sidii ay ugu soo bixi lahaayeen koobka aduunka ee 2018 lagu qaban doono Ruushka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close