Marcelo oo loo haysto canshuur uu lunsaday (Goorma ayaa la maxkamadaynayaa?)

Marcelo

(Madrid) 03 Okt 2017 Daafaca kooxda Real Madrid ayaa qayb ka noqday ciyaartoyda lagu soo eedeeyay inay lunsadeen canshuur.

Garsoorka Spain ayaa ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo daafaca reer Brazil ee Marcelo kadib markii lagu soo eedeeyay inuu lunsaday canshuur dhan 400 kun oo euro oo ah xuquuqda sawiradiisa sida ay baahisay Mundo Deportivo.

marcelo

Marcelo ayaa lagu soo eedeeyay inuu lunsaday 400 kun oo euro oo canshuur ah sanadkii 2013, waxaana xusid mudan inuu iska xaliyay arimaha canshuuraadka ee Spain sanadkii 2015.

29 jirkaan ayaa looga yeeray maxakamada inuu ka soo muuqdo 3-November ee sanadkaan 2017.

Wuxuuna qayb ka noqonayaa Ronaldo iyo Jose Mourinho oo horay loogu soo eedeeyay inay lunsadeen casnhuur gaar ahaan ciyaartoyda Real Madrid.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close