Louis van Gaal oo lala xiriiriyay kooxdiisii hore ee Bayern Munich

Image result for van gaal bayern

(Munich) 03 Okt 2017 Tababaraha reer Holland ee Louis van Gaal ayaa lala xiriiriyay kooxdiisii hore ee Bayern Munich.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Jarmalka, tababare Louis van Gaal ayaa silama filaan ah loogu arkay liiska tababareyaasha u sharaxan badalka Carlo Ancelotti.

Image result for van gaal bayern

Bayern Munich ayaa khamiistii hore ku dhawaaqday inay iska cayrisay tababare Ancelotti kadib guul daro wayn oo ka soo gaartay PSG.

Kooxda oo baadi goob ugu jirta tababarihii badali lahaa ayaa liiska ku darsatay Louis van Gaal kaas oo kooxda soo layliyay 2009 ilaa 2011.

Bayern ayaa doonaysa in Van Gaal uu kooxda layliyo kaliya inta ka harsan xiliciyaareed kaan, waxaana kadib badali doona tababaraha Hoffenheim Julian Nagelsmann.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close