Cabsi laga muujinayo xaalada caafimaad ee Dani Carvajal

car

(Madrid) 03 Okt 2017. Warsidaha Marca ee ka soo baxa Spain ayaa sheeganaya in Carvajal uu qabo xaalad si naadir ah loogu arko kubbada cagta taa oo ah mid xasaasi ah.

Laacibka reer Spain ayaa lagu soo bilaabay 11 kulan ay ciyaartay Real Madrid xilli ciyaareedkan, wuxuu ciyaaray daqiiqad kasta oo ka mid ah kulamadaa wuxuu seegay oo kaliya kulankii sabtida ay Los Blancos ka adkaatay Espanyol.

Waxaana looga reebay kulankaas sababo dhibaato ka soo wajahday wadnaha taa oo xitaa sababtay in laga saaro xulka Spain ee ciyaaraya isreeb reebka koobka adduunka.

Real Madrid ayaan garoomada kula soo deg degeyn laacibkeeda garabka daafaca maadaama aysan khatar galineyn.

Dhakhaatiirta ayaa lahaan doona go’aanka ugu dambeeya ee ah goorta uu garoomada ku soo laaban doono Carvajal laakiin taasi waxay dooqa dhanka daafaca midig ku yareyneysaa tababare Zidane.

Danilo oo laga iibiyay Manchester City intii uu furnaa suuqa ayaa keentay in booska daafaca reer Spain loo hayo oo kaliya 18-jirka Achraf Hakimi.

Achraf Hakimi

Hakimi ayaa lagu soo bilaabay dheeshii Espanyol isagoona dhigay wacdaro muuqata.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close