Bayern Munich oo xiriir la samaysay Luis Enrique

Image result for Luis Enrique Bayern Munich

(Munich) 03 Okt 2017 Tababarihii hore ee Barcelona ayaa lagu soo daray liiska tababareyaasha lala xiriirinayo kooxda Bayern Munich.

Saxafi Spanish ah ayaa xaqiijiyay in Bayern Munich ay xiriir la samaysay tababarihii hore ee Barcelona Luis Enrique.

47 jirkaan reer Spain ayaa haatan ah koox la’aan tan iyo markii uu ka tagay Barcelona dhamaadka xiliciyaareed kii hore.

“Bayern Munich waxay xiriir la samaysay Luis Enrique” ayuu yiri Juanma Romero oo ah saxafi u dhashay Spain.

Enrique ayaa haatan fursad fiican u ah kooxda Bayern Munich maadama uu koox la’aan yahay tan iyo markii uu ka tagay Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close