Arjen Robben oo beeniyay inuu dhaleeceeyay tababare Carlo Ancelotti

Image result for Arjen Robben Ancelotti

(Munich) 03 Okt 2017 Laacibka garabka weerarka uga ciyaara Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa beeniyay war laga faafiyay.

Wargayska Kicker ee dalka jarmalka ayaa daabacay waraysi uu ka qaaday laacibka reer Holland kaas oo uu si xun ugu dhaleeceeyay habka tababarka ee Carlo Ancelotti.

Wuxuuna sheegay in tababarka wiilkiisu uu la qaato kooxda da’yarta uu ka fiicanyahay tababarka Ancelotti uu siiyo Bayern Munich.

Laakiin Arjen Robben ayaa been abuur ku tilmaamay waraysigaas, wuxuuna intaa ku daray inuusan dhaqan u lahayn inuu eedeeyo laacib ama tababare baxay.

“Eedeyntii Ancelotti? dhabtii waa been abuur, anigu ma eedeeyo laacib ama tababare baxay” ayuu yiri Arjen Robben.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close