Zidane oo rajaynaya in Ronaldo uu gool ka dhaliyo La Liga kulanka Getafe

Ronaldo Zidane 1

(Madrid) 02 Okt 2017 Tababaraha kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa ka hadlay gool dhalin la’aanta soo wajahday Cristiano Ronaldo.

Zidane ayaa sheegay in Ronaldo uu ka murugaysan yahay gool dhalin la’aanta ka soo wajahday horyaalka.

Ronaldo tababar

Laacibka reer Portugal oo ciyaaray kulankiisii 3-aad oo xiriir ah horyaalka Spain ayaan dhalin wax gool ah.

“Ronaldo wuxuu dareemayaa murug badan waayo wali gool kama dhalin La Liga laakiin tani waa kubadda cagta” ayuu yiri tababare Zidane.

“Gool cajiib ah ayuu ka caawiyay Isco, waxaan rajaynayaa in xaalku uu is badalo isla markaana uu gool dhaliyo kulanka soo socda (Getafe)”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close