WARBIXIN: Dagaalkii Neymar iyo Cavani oo Bar Baro ku dhammaaday!!!

ney

(Paris) 02 Okt 2017. Neymar iyo Cavani ayaa la xusuustaa inuu dagaal ku dhex maray garoonka iyagoo isku qabsaday cidii tuuri lahayd Rigoorada taa oo khal khal badin galisay kooxda PSG.

Sida caadiga ah Cavani ayaa Rigoorada u tuuri jiray kooxdan inta uusan ku soo biirin laacibka ugu qaalisan kubbada cagta waxaana dhacday in Cavani uu Rigoore la dhigay u diiday Neymar ciyaar ay ka adkaadeen Lyon isagoona khasaariyay rigooradii uu tuuray.

Waxaa socday wada hadalo kooxda dhexdeeda ah iyadoo Cavani lagu war galiyay inuu Rigoorada uga tanaasulo wiilka reer Brazil isla markaana lacago badan faraqa loogu shubo taa uu ka biyo diiday.

Sikastaba, Neymar ayaa la arkyay isagoo tuuraya Rigoorada iyo xitaa Laadka xorta ah ciyaartii ugu dambeysay ay 6-2 uga adkaadeen Bordeaux.

Waxay is galiyeen laabta iyagoo muujinaya inay isku qanacsan yihiin balse weli waxaa wajiga Cavani laga dheehan karay qanaaco la’aan.

Waxaa la aaminay in Neymar lagu wareejiyay Rigoore tuurista kooxda balse sheekadu sidaa ma ahan sida uu sheegayo Thomas Meunier ee daafaca kaga ciyaara kooxda PSG.

Xiddiga reer Belgium ayaa sheegay in tababare Unai Emery uu ku war galiyay Neymar iyo Cavani inay kala qeybsdaan Rigoorooyinka kooxda loo dhigo.

“Tababaraha ayaa habeeyay wixii maanta ka horreeyay,” Meunier ayaa sidaa u sheegay saxaafadda mar wax laga waydiiyay qorshaha kooxda ee Rigoore tuurista.

“Haddii la heli lahaa Rigoore kale waxaa tuuri lahaa Cavani.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close