“Tababarka wiilkeygu uu la qaato kooxda da’yarta ayaa ka fiican kan Ancelotti” – Arjen Robben oo kabaha la dul maray tababare Carlo

Image result for Robben Ancelotti

(Munich) 02 Okt 2017 Laacibka Bayern Munich ee Arjen Robben ayaa si aan xishood lahayn u weeraray tababarihiisii hore ee Carlo Ancelotti.

Arjen Robben ayaa sheegay in tababarka Carlo Ancelotti uusan ahayn mid ku wanaagsan koox Bayern Munich oo kale ah.

Image result for Robben Ancelotti

Wuxuuna intaa ku daray in tababarka wiilkiisa yar uu la qaato kooxda da’yarta ay ka wanaagsantahay tababarkii uu siinayay tababaraha reer talyaani.

“Tababarka wiilkeygu uu la qaato kooxda da’yarta ayaa ka wanaagsan kii uu Bayern igu siiyay Carlo Ancelotti” ayuu yiri Arjen Robben oo waraysi siiyay wargayska Kicker.

“Habka tababarka ee Ancelotti waa mid aan ku haboonayn koox Bayern Munich oo kale ah” ayuu sii raaciyay.

Arjen Robben ayaa qayb ka ahaa dagaalkii Carlo Ancelotti looga cayriyay Bayern Munich isbuucii hore.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close