”Milan igama qaadanin taladii aan siiyay wayna ka shallaayeen” – Arigo Sacchi + Sawirro

(Milano) 02 Sebt 2017 – Arrigo Sacchi ayaa daboolka ka rogey inuu maamulka AC Milan kula taliyay inay qaataan macallinka Napoli ee Maurizio Sarri isagoo sheegay inuusan fahamsanayn qaabka ay xagaagii usoo adeegteen.

Sarri, ayay haatan kooxdiisa Partenopei waxay u sarraysaa taxa horyaalka Talyaaniga, iyagoo wada badiyay dhamaanba 7-dii kulan ee ay ilaa haatan ciyaareen Serie A, iyagoo sidaa ku ah kooxda qura ee ilaa haatan rikoodhkeedu yahay 100%.

“Waxaan la hadlay (guddoomiyihii hore ee Adriano) Galliani iyo (madaxwaynihii hore ee Silvio) Berlusconi, anigoo kula taliyay inay soo qaataan Sarri, waxay sidaa ku muujin lahaayeen inay cid kasta ka horreeyaan kaddib 25 sano sida markii ay aniga ila heshiiyeen,” ayuu Sacchi u sheegay GR Parlamento radio.

“Markaa ma ahayn kuwo go’aan gaarey. Berlusconi wuxuu ahaa madaxwayne wayn, ninka ugu wanaagsan Talyaaniga iyo ka shishe, weligiina meel dhow wax kama eegin. Waxaan sidoo kale kula taliyay inay soo qaataan Dybala oo ah laacib wayn oo caqliloow ah.”

AC Milan ayaa haatan maamul iyo milkiyad cusub gashay, balse tiiyoo ay laacibiin badan soo qaateen xagaagii, misna wuxuu Vincenzo Montella tahli la’yahay inuu kooxda isku toosiyo. “Haddii aan maanta Milan ka hadlo, war fiican ka sheegi maayo” ayuu ku gaabsaday Sacchi.

b2

“Waxaan sugayaa inay koox noqdaan waloow aan xushmaynayo Montella, balse ma xusuusto koox hal sano soo iibsatey 11 laacib.” ayuu raaciyay.

Haatan waxaa bannaan Carlo Ancelotti oo ay cayrisay Bayern Munich, haddaba miyuu kusoo laabanayaa Milan? “Waxay ila tahay inuu yahay macallin ku habboon meel kasta, oo ay ku jirto inuu qabto xulka Talyaaniga.” ayuu yiri Sacchi.

Arigo Sacchi, AC Milan Manager
Arigo Sacchi, AC Milan Manager

b1 b3 b5 b7

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close