Man United oo ku dhididsan qaabkii ay u xafidan lahayd Marouane Fellaini!!

(Manchester) 02 Okt 2017 – Kooxda Manchester United ayaa la socota inay karraariyaan qorshaha ay qandaraaska ugu cusboonaysiinayaan laacibka ay haatan u saaran tahay ee Marouane Fellaini.

 Warsidaha The Sun ayaa qoraya in maamulka United ay xitaa ka cabsi qabaan inay ku guuldarraystaan inay laacibka qandaraaska iyo mushaharkaba u kordhiyaan.

Laacibkan reer Belgian ee khadka dhexe ayuu qandaraaskiisu dhacayaa xagaaga soo aaddan, iyadoo ay haatan uu bilaabmeen wada xaajoodyada qandaraas kordhintu.

United ayaa garowsan inay u baahan yihiin inay kordhiyaan mushaharka Fellaini oo haatan ah £130.000 todobaadkii si ay laacibka uga baajiyaan inuu ka tago gegada Old Trafford.

Ilo ku dhow Old Trafford ayaa lagasoo xigtey: “Waxaa jirta cabsi ah in Marouane uu tegi doono haddii aan mushaharka loo kordhinin.”

Waxaa arrinta sii murjinaysa xaqiiqada ah inaysan United qaadanin fursad ay xaq ugu lahaayeen inay 12 bilood oo otomaatik ah qandaraaskiisa ku daraan bishii Jannaayo.

“Waxaa ka go’an inuu kooxda sii joogo, balse wuxuu arkayay kooxda oo mushaharro badan u qoraysa laacibiinta kooxda dhowaantan kusoo biiray.” ayay ishaasi raacisay.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close