Bayern Munich oo shaacisay mudada uu garoomada ka maqnaanayo Franck Ribery

(Munich) 02 Okt 2017 Bayern Munich ayaa war bixin rasmi ah ka soo saartay dhaawicii soo gaaray laacibkooda Franck Ribery.

34 jirka reer France ayaa laga saaray garoonka isaga oo garbaha laga haayo kulankii ay 2-2 lagaleen kooxda Hertha Berlin.

Bayern Munich ayaa shaacisay in Franck Ribery uu dhaawac ka soo gaaray seedaha jilibka, wuxuuna garoomada ka maqnaanayaa muddo dhan 3-bilood.

Gudoomiyaha kooxda ee Karl-Heinz Rummenigge oo ka hadlay dhaawaca Franck Ribery ayaa yiri:

“Waan ka xunahay waayo Franck Ribery dhaawac ayaa soo gaaray, waxaan u rajaynaynaa isaga caafimaad qab dag dag ah”.

Franck Ribery ayaa dib garoomada ugu soo laabanaya sanadka cusub ee 2018 waana waqtigii la qorsheeyay inuu soo laabto goolhaye Manuel Neuer.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close